Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka Oo Beeniyay In Laga Wada Hadlayo Qorshe Madaxweyne Asad Xilka Kaga Degayo Digniina U Diray Reer Galbeedka
Moscow, (HWN/ITAR TAS):- Wasiirka arrimaha dibada Ruushka Sergey Lavrov ayaa si adag u beeniyay warar la isla dhex marayay, maalmihii u danbeeyay oo tibaaxayay in Washington iyo Moscow ay ka wada hadlayaan qorshe, madaxweynaha dalka Suuriya Bashar Al Asad uu xilka kaga degayo si dalkaas looga baajiyo burbur ku habsada iyo dagaalo sokeeyo oo riiq dheeraada.
´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 12pt">
Wasiirka arrimaha dibada Lavrov isaga oo ka hadlaya wararkaas, waxa uu yidhi, [Ma jirto wax aan isla soo qaadnay iyo qorshe ku saabsan waxa uu noqonayo masiirka madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad, ma jirto dawlad aanu ka wada hadalnay in uu xilka ka dego, mana jirto dhinac uu Ruushku ku dhegan yahay oo uu doonayo inuu sii joogo iyo mid uu dabada ka eryayo midna.
Wasiirka arrimaha dibada Ruushka Sergey Lavrov waxa uu si kulul u canbaareeyay qorshaha reer galbeedku ku doonayaan in degaamo duulimaadyada ka caagan laga dhex sameeyo dalka Suuriya, taas oo ay ku talo jiraan in qaramada midoobay gaar ahaan golaha ammaanka ay ka sharciyaystaan, waxaanu isagoo ka hadlaya yidhi, [Ogolaan mayno in mar kale xaaladii Libya oo kale soo noqoto oo dhibaato kale ka dhacdo oo Suuriya la kala qob qobo, taas oo aanay Russia marna yeeli doonin ayuu yidhi.
Wasiirka arrimaha dibada Ruushku waxa uu ka digay talaabooyinka iyo qorshayaasha ay is dhex wadaan dalal uu farta ku fiiqay kuwaas oo loo malaynayo inuu ula jeedo waddamada reer Galbeedka, waxaanu xusay in aanay Moscow gacmaha dib uga laaban doonin oo qorshayaasha khaldan oo dhan is hor taagi doonto.
Xaalada dalka Suuriya oo ka sii daraysay muddooyinkii u danbeeyay dagaaladuna aad u qadhaadhaadeen, waxa si wayn ugu loolamaya waddamada Ruushka iyo reer galbeedka taas oo carqalad galisay in horumar laga sameeyo xiisada dalka Suuriya.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland
faysal@hadhwanaag.org