Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Kaluumaysiga Oo Berbera U Tagay Hawlo Shaqo, Kulamana La Qaadanaya Maamulka Gobolkaasi


(Hadhwanaagnews) Sunday, December 09, 2012
Hargeysa (HWN) Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa magaaladda

Hargeysa (HWN) Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa magaaladda Berbera u tagay Hawlo Shaqo.

Mar uu warbaahinta ugu waramayay Magaaladda Berbera ayaa waxa uu xusay in uu magaaladdaasi u tagay sidii uu u dardar gelin lahaa hawlaha shaqo ee ay wasaaraddiisu hayso qaranka Somaliland.

Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in maamulka Gobolka Saaxil mudada uu joogo Magaaladda Berbera uu kala hadli doono sidii ay hawlaha wasaaradda

uga wada hadli lahaayeen, waxaanu yidhi Saaka ayaan imid magaaladda Berbera, waxaanan u imid hawlaha ay wasaaradu ka hayso Magaaladda Berbera, waayo wasaaradda hawsheeda ugu badani waxa ay ka socotaa halkan dib u dhiska socda ayaanan soo indho indhaynayay, waxa kale oo aan halkan u imid in aan madaxda gobolka iska waraysano sida ay hawluhu u socdaan.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Contact@hadhwanaagnews.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.