Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


TAXANAHA TAARIIKHDA SHEEKH ISAXAAQ Q 5aad


(Hadhwanaagnews) Monday, December 10, 2012
Maanta waxaan taxanaha ku eegaynaa sheeko cajiib ah oo uu ka sheekeeyey nin sheekha jid la maray oo la odhan jiray

Dhamaantiin waxaan idin leeyey السلام عليكم ورحمة الله وبركاته. Salaan ka bacdi waxaa inoo socday barnaamijkii taxanaha ahaa ee taariikhda Sheekh Isaxaaq bin Axmed Al-Haashimi. الشيخ اسحاق بن أحمد الهاشمى. Waxaynu soo sheegnay in sheekha ay
 ku dhacday geeri naxdin leh oo aduunka mugdi kaga dhigtay ka dib markii adeerkii Yuusuf bin Muxamad Bin Al-Xusayn يوسف بن محمد بن الحسين iyo wiilkii iyo gabadhii uu dhalayba uu dilay xanuunka Smallpox ka ama مرض الجدرى.


0px; -webkit-text-size-adjust: auto; -webkit-text-stroke-width: 0px" align=justify>Maanta waxaan taxanaha ku eegaynaa sheeko cajiib ah oo uu ka sheekeeyey nin sheekha jid la maray oo la odhan jiray السيد شريف الدين الديلمى العراقى (Sayid Shariif Al-Diin Al-Daylami Al-Ciraaqi). Ninkan odayga ah oo wakhtiga arrinkan uu ka sheekeeyey ku dhawaa sagaashan jir ayaa waxa uu yidhi:
 Hadii aad ogaan lahayd aniga oo la socda Sheekh Isaxaaq bin Axmed markii weliba ay ka sii baxayeen Ciraaq isagoo wakhtigaa raadinayay aqoon diineed ayaa wuxu Sheekh Isaxaaq ku geeraaray qasiidadan:
 
الاهي بنور العلم به سري..........وثبت عليه العزم لمنتها دهري
 خرجنا من الاوطان طلب النجا............للنفس للاهل والاولاد يا عالم السر
 ولم نقترف ذنبا علي اولاد عمنا.............ولكن قضاء الله بالخير والشر
 فنحن بنوا المختار قد ضاع حقنا...............وتحتم البتار فينا بلا نكر
 فهذا جزء المختار وفاطم وبعلها.............كنا كشاة العيد للذبح والجزار
 اما بنوا الاعمام ارعو حقوقنا................وفائا لخير الخلق الطاهر المطهر
 وتسمخ لنا بالامن تحقن دمائنا.............من القتل والتشريد ظلما بلا عذر
 فيا حاكما بالحق شاهد حقوقنا............نشكو اليك الظلم والجور والقهر
 


Sheekhu gabaygan waxa uu kaga hadlay jacaylka uu qabo waxbarashada diiniga ah iyo sida ay uga go´antahay inuu heer ka gaadho. Waxa kale oo ku xusay dhibkii ku dhacay iyo sida ay dhulkoodii uga qaxeen iyaga oo raadinaya nabad galyo iyo badbaado ay u helaan nafahooda iyo reerahooda iyo ubadkooda. Waxa kale oo uu ku muujiyay sheekhu dulmiga ku dhacay reerka uu kasoo jeedoo, dulmigaas oo ay u gaysteen ilmaadeeradood laxmi ah oo ahaa Cabaasiyiinta. Sheekhu ugu danbayntii waxa uu ku muusanaabay erayada ah "anagoo ah qayb ka mid ah Nabi Muxamad iyo Faadumo iyo Cali ayaa sidii laxdii ciida ayaa dhuunta nalaga wada lisay".
 


Daylami waxa uu soo wariyey in ducadii Ilaahay ka aqbalay Sheekh Isaxaaq oo nimankii Cabaasiyiinta ahaa ay iyaga laftoodii is dileen iyadoo Bin Al-Almuctamid Bi-All-laah بن المعتمد بالله oo ahaa nin aad ugu gacan dhiiran dilka Ahlu Baytka halkaa lagu khaariyey. Daylami waxa uu sheegay inuu Muxamad Bin Xuseen oo ah sheekha awoowgii uu u yeedhay Sheekh Isaxaaq una sheegay in ilaahay ka aqbalay baydadkii uu tiriyay maanta laga bilaabona ay ka raysanayaan Bin Al-Muctamid.
 


Qormada maanta waxaan rabaa inaan ku soo daro kulan aad u layaableh oo ka dhacay magaalada taariikhiga ah ee Maydh. Nin la odhan jiray
 
على بن يحيى بن محمد بن نصر الخزاعي Cali Bin Yaxya Bin Muxamad Bin Nasar Al-Khuzaaci ayaa waxa uu yidhi:
 
" Waxaan ahayn safar kasoo kicitimay Masar sanadku markuu ahaa 681 Hijrada Nabiga SCW, waxaanan saarnayn dooni shiraaclay ah oo kusocotay Ciraaq. Waxa uu yidhi markii aanu dhulka Soomaalida kusoo dhawaanay ayay dabaylo nagu kaceen ilaa aanu qarka ujoogsanay inay nala degto doonidu. Waxaanu goor danbe kula heshiinay Naakhuudihii doonida inuu nagula eerto meel dhul ka dhawyahay ilaa uu na keenay meel layidhaa Maydh. Halka aanu nimid waxa ku sugnaa Sheekh Isaxaaq oo sharaf iyo qadarin loo wada hayo. Waxa kale oo markaa la joogay ubadkiisii oo aanu ku jirin mid qudha oo u eg aabihii iyadoo midabkooduu ahaa mid madaw. Sheekh da´diisuna waxa ay ahayd maalinta 120 sano. Anigu waan aqaanay hore sheekha waliba si aad ah baan u aqaanay inuu ka mid ahaa Saadada Calawiiyiinta laakiin waxaan la kulmay isagoo abtirsiintii iyo qabiilkiisiba qariyay. Markii aan kusoo naxay een gartay ayuu isaguna i gartay markaas ayaan ku idhi:
 

Sayidii waa maxay sidani maxaa kugu dhacay?
 
Wuxu iigu jawaabay: Abaa Nasriyow, qari aqoonta aad ii leedahay iyo arrinkayga oo dhan, sababtoo ah Ilaahay baan ku dhaartee aniga iyo Ahlu Baydka kale toona maanaan raaxo dareemin mudo 86 sano ilaa maalintaan abtirsiintayda qariyey ee intaan tabashadaydii oo dhana Ilaahay u sheegtay dhulkan cidlada ah iska soo degay. Waad i aragtaa maantaa inaan ka raystey dhibaatadii hore iisoo martay.
 


Sheekhu markii uu iisheegay intaas ayuu ku luqeeyey qasiisadan:
 

تغيبت عن اهلي خليلى وصاحبى....... وجزت الفيافى شرقها والمغارب
 
وعانيت ما عانيت فى كل منهل................... حتى تحنكت بفضل التجارب

وسرت غريب الدار عن وطنى بها........... أهلى وأولادى و جملة أقاربي

وقد عشت من دهرى سننا عديدة..... أقاسى هموما انحلت في جوانبى
 
فأخفيت أمرى وهاجرت قائلا............... الى هذه الأوطان و الله حاسبى
 
فبدلني الرحمن أهلا وثروة.............. وكنت لأهل الأرض خليلا و صاحب
 
ومن خوف ما قاسيت خبيت أمرنا ...زز............لحق يفرجه كريم المواهب
 


Sheekhu gabaygan wuxu ku iftiimiyay dhibkii kasoo maray safarkii iyo lama dagaanadii uu soo jiidhay waxanuu yidhi: Waxaan ka soo tagay qaraabadaydii iyo asxaabtaydii waxaanan degdeg kusoo jiidhay saxaraha bari iyo galbeedba. Waxaan kusoo dhibaatooday gal walba ilaa aan noqday hal abuur tijaabooyinkaan maray awgood. Waxaan iskaga tagay wadankaygii oo aan ka doorbiday qurbo joognimo. Waxaan qariyay arrinkaygii waxaanan socdaalay anigoo leh Ilaahay baa ilaa xisaabtamiye dhulkaas baan iska degayaa. Ilaahay wuxuu iigu badalay wixii aan ka imid reer kale iyo dhaqaale kale, dadkii dhulka aan ugu imidna waxaanu noqonay asxaab iyo gacal. Cabsi aan ka qabo wixii isoo maray awgeed ayaan qariyay arrinkayga waxaanan sidaa u sameeyey gar aan leeyahay oo Ilaahay mar kale dibada usoo saari doono.
 


Sheekhu markuu qasiidada dhamaystiray ayuu soo jaleecay Cali bin Yaxya waxaanu ku yidhi:
 
Khuzaaciyoow, Ilaahay dartii ayaan kugu waydiistee arrinkayga qari ilaa Ilaahay uu xukumayo


Khuzaaci wuxu yidhi: Sayidii, ma waxay kula noqotey inaad degto dhulkan shisheeye markaas baad weliba iskaga timid ubadkaagii Yaman iyo reerkaagii Xijaaz (Sucuudiga) oo aanad mar qudha u soo xiisin halka aad joogtidna usoo sheegin.
 
Sheekhu wuxu yidhi: aniga iyo iyagaba waxa noo joogo Ilaahay ilaa maalinta qiyaame aanu isugu nimaadno hal meel.
 
Cali Bin Yaxya intuu aad ula yaabay arrinkan ku dhacay Ahlu Baydka ayuu qisada sheekh Isaxaaq ku daray kitaabkiisa الياقوت والدمن في صفات المحن والفتن
 
(Al-Yaaquut wa Al-Diman fii sifaat Al-Mixan wa Al-fitan).
 
Cali bin Yaxya arrinkii cidna ugamuu sheekayn ilaa uu sagaal sano kadib xajka gudihiisa kula kulmay Sheekh Isaxaaq inaadeerkii oo la odhan jiray حسن بن محمد بن أحمد بن الحسين . Cali markuu arkay Xassan Bin Muxamad ayuu hadal kasoo dhacay oo wuxu yidhi " Ilaahay baan kugu dhaariyee bal imika adiga iyo inaadeerkaa Sheekh Isaxaaq kiinee wayn. Xassan oon maqal Sheekh Isaxaaq wax sheegay muddo 41 sano ah ayaa intuu wejigiisii guduutay indhihiisiina ilmo kasoo qubatay ayuu gadhka ku dhagay Cali bin Yaxya waxaanu yidhi " Khuzaaciyoow, maxaad kusoo hadal qaaday inaadeerkay Isaxaaq? Ma warbaad ka haysaa? iiga waran hadaad war ka hayso, Ilaahay baan ku dhaartee waxaad igu abuurtay welwel waxaanad i xasuusisay wax aan anigu sabab u ahaa. Markaas ayu Xassan Bin Muxamad hadana wuxu jaleecay nin ciradu dhafooradiisa buuxisay kolkaasuu yidhi: Khuzaaciyoow ninkaa aad arkayso ee ciraystay waa wiilk Sheekh Isaxaaq, hooyadiina waa walaashay, waxa laga joogaa muddo 41 sano oo aanaan war ka haynin halka uu joogo iyo nolol iyo geeri wuxu yahay.
 

Khuzaaci intu is-hayn kari waayay ayuu oohin qabsaday. Muxuu samayn doonaa Khuzaaci haddaba. Ma wuxu oofin doonaa ballantii Sheekh Isaxaaq iyo dhaartii uu mariyay oo wuu qarain doonaa warkiisa, mise wuxu u beer jileeci ehelada Sheekha oo uu uga warami halka uu ku nool yahay hanadka ay u boholyoobeen. Si aynu uwada ogaano fadlan la soco isniinta danbe ان شاء الله ..........iyo Q 6aad
 

Nagala soco: http://www.facebook.com/pages/History-of-Somaliland/210204385674648
 

Nagala soo xiriir: historyofsomaliland@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.