Waxaan salaamaya dhamaan warbaahinta Somaliland.
-webkit-text-size-adjust: auto; -webkit-text-stroke-width: 0px">waxa dhacaday doorashadii golaha deeganka 28/11/2012, waxaan filayaa inay dadku ku waayo arkeen doorashadan oo ka duwanayd wixii doorasho dalka ka dhacayay. waxayaabaha ay kaga duwanayd waxaan ka sheegi karaa laba point oo aan filayo inay ugu muhiimsanaayen, waxayna kala yihiin labadaa arimood.
1. Dhaqaale Burbur, waxa ku lumayay dhaqaale dhan $15000 maalintiiba marka xisbi u ololaynayo, waxaan odhankaraa lacagtaa halkaa ku baxday waxay ku fiicanayd in lagu caawiyo danyarta dagan magaalada hargeisa ee aan wax dhaqaala haysan iyo cisbitaalada.
2. Qabyaalada oo si qaawan loo isticmaalay taasi oo adhaxjab ku ah qarnimada Somaliland.
Anigu waxaan ka mid ahaa xildhibaanad hadhay, waxaan se aad ula yaabay komishanka qaran oo dhamaanba dayacay howshii loo igmaday. waxaana ka mid ahaa uguna waawayna agabkii loo isticmaalayay doorashada iyo sidii loo maamulayba doorashada, waxa se afkala qaad ku noqotay bulshada dagan caasimada Hargeisa markii ay commisionku sheegen inaanay waxba ka jirin 25 xildhibaan ee ay iyagu magacaaben, oo ay sheegen in dib loo tirin doono cododkii.
hadaba su´aasha meesha taala waxay tahay xildhibaan loo magacaabay inuu guulaystay ama noqday xildhiibaan ka mid golaha deeganka sidee hadana loo odhan karaa waad hadhay. hadaba waxaan anigu ku talin lahaa in go´aanki hore ee la qaatay sidiisi lagu daayo, Commisionka hada xilka hayna la kala diro maadama uu ku fashilmay doorashadan golaha deeganka.maaha in komishanku wadanka lhal khal galiyo.
yassin omar yarre hrg
hargaysa6@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga