Waxa wax aad loola yaabo ah in guddoomiyaha komishanka qaranku, Ciise Xamari, uu sheegay maalintii Sabtida ee 9ka December 2012 in dib loo tirin doono codadka magaalada Hargeysa oo ah halka sartu ka qudhuntay ee uu ka dhashay mudaharaadyada lagaga soo horjeeday natiijadii hor dhaca ahayd ee Hargeysa ee doorashadii deegaanka ee waddanka laga qabtay 28kii November 2012 taasoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhawaacba leh.
Marka hore guddoomiye Ciise Xamari isagaa ugu sarreeya komishanka, masuuliyadeedana isaga ayaa yeelanaya oo ay dusha ka
saaran tahay waayo iyadoo aanay rabshaduhu dhicin ayaa ururka Xaqsoor dacwad u gudbiyey lagaga cabanayo ku shubashada bari iyo galbeedba ka dhacday balse kamuu soo jawaabin ee wuxuu iskaga riixay maxkamadaha degmooyinka ee ay khuseyso in ururku dacwad ka furto. Sidoo kale madaxweynaha iyo wasiirka daakhiliga labadaba waxa loo gudbiyey dacwad lagaga codsanayo in dib loo eego goobaha ku shubashadu ka dhacday si looga fogaado fidno ka dhalata arrintaas, wax jawaab ah kamay soo bixin ee waxay ku digrinayeen balaalyow buulkaga kaa galay.
Iyadoo dacwadahii ku shubashada bariga iyo galbeedka aan laga hoos qaadin masuuliyiinta ururka Xaqsoor, illayn wax lagu jawaabo lama haye eh, ayaa haddana tirintii codadka Hargeysa la guda galay. Kombiyuutarkii lagu hayey xogta tirooyinka ururada ayaa si kas iyo maag ah looga masaxay tiradii Xaqsoor ka helay Hargeysa. Komishanku waxay ina leeyihiin kombiyuutarkii xogta lagu hayey ayaa mar qudha is-bakhtiiyey oo bal Ilaahay amarkiis markii dib loo shidayna waxa soo baxday in ururka Xaqsoor oo keliya tiradii Hargeysa looga hayey uu kombiyuutarku masaxay? Markaad si kale u dhigto waxay leeyihiin annagu tirada maanaan masaxin ee Kombiyuutarka ayaa masiibada dhigay. Tirada codadka Xaqsoor waa wax la isla wada garanayo.
Waxa ka sii la yaab badan oo mucjiso ah in komishanka qaranka ee sida xooga leh loo ilaalinayey ee aan habeen iyo maalin lagu kala bixin in laga waayey sanaaduuqdii cod bixinta ee degmada Axmed Dhagax oo Xaqsoor halka uu ugu xooga weynaa ahayd. Ka dibna waxa la geliyey kombiyuutarka tiradii Xaqsoor ay haysteen mid aad uga yar iyadoo la wada garanayo tirada dhabta ah.
Xamariyow, arrinta noocaas oo kale ahi ma aha qalad, khiyaamana ma aha ee waa badheedh ururka Xaqsoor loogu talo galay oo komishankiinana lagu soo amray inaad sidaas yeeshaan haddii kale ku dhacaas iyo awoodaas maad yeelateen komishankiinu. Inkastoo uu Xaqsoor bartilmaameed u ahaa dolwadda, haddana ururada kalena waa lagaga shubtay.
Markii tiradii kobiyuutarka ku jirtay la is-daba mariyey, masuuliyiinta Xaqsoor waxay ka codsadeen guddoomiyaha in dib loo yara dhigo ku dhawaaqidda natiijada inta ay isla saxayaan tirada.
Waxa la yidhi nin meeli u caddahay, meeli ka madow. Ciise Xamari iyo saaxiibadiisa kale ee komishanka qaranka ee ay dowladdu sida tooska hoosta uga amraysay uma ay muuqan cawaaqibka ka dhalan kara go?aanka ay ku haliilayeen ee wax is-daba mariska ahaa hase ahaatee waxa u muuqday oo u caddeyd in heshiiskii uu la soo galay xukuumadda uu dhiniciisa ka fuliyo iyo ballan qaadkii la isku ogaa.
Markaad caqligaaga la kaashato maxaa loo waayey nin qudha oo komishanka ka tirsan oo ku taliya waar bal dib aynu ugu noqon tirada si aynu eedayntan ceebta iyo fadeexada ah aynu dhinac isaga riixno? Maxaa loo waayey intay soo wada baxaan inay shir jaraai?id qabtaan oo qanciyaan shacabka iyo ururadaba? Maxay dowladda u aamustay oo uga hadli wayday xaaladda cakiran iyo cabashooyinka la soo gudbiyey illaa maantadan? Aniga jawaabtayda su?aalahaasi waxa weeye mid gaaban: Wuxuu ahaa qorshe ay dowladdu ka dambeysay oo ay ku bixisay adduunyo aad u fara badan taasoo u diiday komishanka inay kelmad xaqa ku hadlaan?
Haddii uu Xamari daacad ka yahay arrinkan wuu ku noqon karayey dib u tirinta codadka Hargeysa marka horeba sida uu immikaba ugu dhawaaqay inuu dib u tirinayo codadka degmada Axmed Dhagax? Muxuu dib ugu tirin waayey markii hore ee dacwadda loo soo gudbiyey intaan go?aankiisu sababin dhimasho iyo dhaawac iyo khatarta uu uu maanta ku sugan yahay waddanku?
Haddiise uu Hargeysa tiranayo immika muxuu Xamari u tirin waayey meesha uu madaxweyne ku-xigeenku fadeexadda dunida ugu weyn ka dhigay ee Seylac? Masuuliyiinta Xaqsoor wuxuu ku yidhi dacwadaas maxkamadda Seyla geeya?
Muxuu immikana ugu odhan waayey masuuliyiinta Xaqsoor Maxkamadda Hargeysa taga? Waxaad halkaa ka arkaysaa kala hadalkiisa? Hargeysa wuu oggolaaday dib u tirinteeda laakiin Seylac dib u hubsashadeeda wuu diiday.
Komishanka Qaranku haddii uu madax bannaan yahay muxuu Ciise Xamari uga hoos qaadi waayey war bixinta uu soo gudbiyey iyo qaylo dhaantii ka soo yeedhay Xoghayaha Komishanka Qaranka ee degmada Saylac Bashiir Cilmi Waaberi.
Shir jaraa?id oo uu Waaberi ku qabtay magaalada Saylac ayuu ku sheegay in doorashadii Golaha deegaanka Somaliland ee dhawaan ka dhacday jiidaas ay ahayd mid sharciga baal marsan islamarkaana aan loo marin sifihii loo dhaariyay dadkii ka masuulka ahaa. Waxa uu ugu baaqay komishanka Qaranka inay baadhitaan ku sameeyaan doorashadii ka dhacday Deegaanada Saylac ee uu joogay. Xamari iyo komishankiisu dheg jalaq umay siin Waaberi oo komishanku wakiishay?
Waxa halkaas ka cad in Xamari xubnihii komishankiisa aanu doonayn inuu dhageysto balse meel kale laga amrayo? Markaa miyuu dhexhdexaad noqon karaa komishanku qaranku haddiiba aanay dhageysanayn xubnihii ay iyagu wakiisheen?
Masuuliyiinta Xaqsoor haddii ay doonayaan inay ummadda tusaan inay xaq u dirir yihiin waa inaanay marnaba aqbalin in iyaga oo keliya Hargeysa loo tiriyo ee waa in dadka kale ee cabanaya iyagana dib u tirin loo sameeyaa haddii kale iyaguna waxay ku eedaysnaan doonaan inay xaqii ka tageen. Kuwa diid in dib loo tiriyo waa kuwa xaaraanta miistay oo aan oggolayn in xaaranta lagu soo saaro? Maxay ku diidayaan haddii ay dib u tirintu dadka kala badbaadinayso.
Gabagebadii, Xamariyow, adiga iyo xubnahaaga kale ee komishanka qaranku ama ku janno gala ama ku cadaab mutaystoo mushkiladdaas maanta waddanka ku habsatay ee dhimashada, dhaawaca iyo burburka siyaasadeed qarka ula saaran yahay idinka iyo xukuumadda aan madaxweynaheedu illaa maanta hadal aan laga hayn intay waxaasi dhami soo jiitamyeen ee xataa tacsida kala bakhalay eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaa rabshdaha ku dhintay waa mid denbigeedu dusha idinka wada saaran yahay. Ninka maanta yidhaahda doorashadaasi xalaal bay ahayd isagaa xaaraami ah.
Jamaal Madar
London, UK
adammadar@yahoo.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga