Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Beesha Sacad Muuse maqaadan karta in kurasidoodi wax laga gooyo? by Aden Deeq


(Hadhwanaagnews) Monday, December 10, 2012
Qaabka maanta wax aay u wadaan Koomishankan musuq maasuqa ku caan baxay ayaa ah mid kala dilaaya beelaha sababtuna

Qaabka maanta wax aay u wadaan Koomishankan musuq maasuqa ku caan baxay ayaa ah mid kala dilaaya beelaha sababtuna waxa weeye xaqiiqatan qaladaadki hore aay u sameeyeen oo aaney marnaba ka fiirsan, taaso keentey rabshado joogto ah caasimada Hargeysa oo dhaawac iyo dhimashaba lahaa.

Maamul xumida xukumadan ayaa ah runtii mid nidaam xumo ku magac maashay oo haba yaraatee aan lahayn milgihii xukumadi lahayd oo wax waliba iskaga qasanyihiin, hadaba maanta natiijadii lagu dhawaaqay waatan qaladaad badani ka yimi qaladaad yadaasi oo koomishanku lahaa. Waxaa hadaba

is weydiin leh ilayn nidaamka aynu wax u qaybsanaa hab beeleed ah ee tolow sacad muuse ma qaadan doonan in laba xilibaan ka go´aan? Su´aashaasi runtii waa mid reer walba u taala waayo ninka maanta yeelaaya shaley isagoo soo baxay oo loogu dhawaaqay maanta hadana waad hadhay waa kuma!. Anigu markaan arintan aad u qaada dhigay waxaan ka geyn waayey in la isku dilaayo beelaha Hargeysa wada degen waayo Ciidagalena yeeli maayo waxuu Arab qaadan waayey, Sacad muusena haba ka yaabin in kursi ka go´o hadaan jujuub lagu qaadsiin ileyn reer wax diida maahe, isaxaaqna shiitami maayan oo iyagu midh cas ayay ka xigaan. Hadaba sideeba la isugu tanaasulayaa ileyn waxaano balaayo ah marka hore xukumadan ayaa ka talisey nidaam xumina maahee labatan sano waxaynu ku soo tabcaynaa loo soo dhigtey in la inaga kala qubee ninwalooba dhankaaga xejiso.

Aden Deeq

aden-day@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.