dhulka u soo dego oo aan heshiino.
Jiirkii ayaa yidhi anba sidaan isaga kaa ilaalinayey ayaan god uun ku jiraa,ee hadaan heshiino waa fiican tahay.
Haadkii wuxuu yidhi hadaba bahda haadka anaa u tagaya adna bahda jiirka u tag aan kulan weyn aan sameyno oo
aan dhamaanteen wada hadalno,wuxu kale haadkii yidhi kaynta kuma wada hadli karno ee BANKA banaan aan ku
kulano ee bahda jiirka u sheeg waa inoo bari iyo banaanka BANKA ahe,waayahay ayaa lagu heshiiyey.
Haadkii intuu bahdii haadka u tagey ayuu yidhi bari bushaareysta bahdii jiirka waan ka dhar geyna oo waan soo
khiyaameeyey oo waan heshiineyna ayaan idhi suldaankii jiirkuna waa iga yeeley ee waxaan idiin sheegaya marka aan
idhaahdo DABA JIIR,haad walba ha duulo oo xabadiisa jiirka ah dabadda ha ku dhago,ileen waa meel banaane.
Suldaankii bahda jiirku habeenkii ayuu shiriyey bahdii jiirka wuxuuna yidhi suldaankii haadda ayaa iimid aan heshiino
ayuu yidhi kolkaa meel banaan ayaan bari ku balaney,haad ma aamini karnee mid waloo bahda jiirka ahoow waa inaad
god caawa ka qodotaa banaanka.Kolkaa hadaan wax dareemo waxaan odhanaya GOD JIIR.kolkaa mid walooba waa
inaad godkaga gashaa.
Hadaba waa meeshii banka ee banaanka ahayd yimid dhamaan bahdii haadda oo mid walba ilkaha soo safeestey,oo isle
cashadaadii ayaa caawa bisil,bahdii jiirkuna iyagoo nin walba godkii yaraa sii qotey ayuu dabadda saarey.
Ileen daacadi ma hun gowdee,haadkii ayaa yidhi DABA JIIR,haaaddii waa soo yaacdey si ay jiirka u qabtaa,jiirkii arag sida
ay wax u socdaan iyana suldoonkoodii ayaa yidhi GOD JIIR,mid walba godkiisii ayuu galey.
Sheekadan waxaan ugu socdaa Ahmed Siiranyo wuxuu ummadda ugu balan qaadey ee uu kursiga ku fuuley meedey????
Ka hadli maayo wuxuu u balan qaadey ee waad ogtiin,se ummadii ma og tahay iminka waa haa.
Waxaan ku soo gaba gabeynaya.
Haadku waa Ahmed Siiranyo,Bahda haaduna waa reerkiisa sida ay u boobayaan xoolaha ummadda,Heshiisku waa balantii uu qaadey
iyo wax baan qabanaya oo dhul iyo badba waan hagaajinaya.
Jiirku waa shicibka doortey ee beenta loo sheegey ee xadhig,dil,qabyaalad,musuq,reer,aamus,car juuq dheh,cadaalad daro waxa
kaliya kuu cadeyneysa ururda siyaasadda sida aan loo qancin.
God jiirna waa sida loo kacsan yahay ee beentii loo ogaadey,waxayna ku dan been kacdoon degdeg ah,
Waana kuwii lahaa xusbiyaan fureyna ee waxay fureen xusbiyo ay doonayaan sida wadi iyo ucud,
Ilaahay wadanka hanoo barakeeyo
Cabdi Jamac Cawale
London
CJCawale@gmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga